|
Baladweeyne,(insidesomalia.org)-Dadweeynaha ku nool Magaalada Baladweeyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay bilaabeen in ay ka bara kacaan Guryahooda, kadib markii ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay Magaaladaasi ka sameeynayaan Ciidamada Itoobiyaanka.
Kadib markii ay sii Koradhay dhaqdhaqaaqa Ciidamada Itoobiya xiliyada habeenkii ah ay ka wadaan xaafadaha Magalada Baladweeyne ayaa dadka ku dhaqan Magaalada waxaa ay bilaabeen in isaga bara kacaan, iyagoo ka cabsi qaban in waxyeelo ay ka soo gaarto Ciidamada Itoobiyaanka marka ay la kulmaan weerarada kaga yimaada xoogaga ka soo hor jeeda oo la aamin san yahay in ay qeeybo ka mid ah Gobolka ay ku sugan yihiin.
Afarta Xaafadood oo kamid ah Magaalada Baladweeyne oo ay ku nool yihiin qooysas badan oo isugu jira dad deegaanka ah iyo kuwa kusoo bara kacay ayaa waxaa lasoo derestey cabsi iyo wehel joogto ah oo ay ka qabaan Ciidamada Itoobiyaanka ee soo buux dhaafiyey Xaafadahooda.
Waxaa guud ahaan haawanaya Xaafadaha ka agdhow halka ay Ciidamada Itoobiyaanka degen yihiin, kadib markii qooysaskii deganaa ay ka barakeceen labadii maalin ee ugu danbeeysay, iyagoo ka cabsi qaba dhibaato kaga timaada Ciidamadan lasoo dersey.
Wadooyinka waa weeyn ee Magaalada Baladweeyne ayaa waxaad ku arkeeysaa Qooysas fara badan oo isugu jira Haween,caruur iyo dad waayeel ah oo sita waxoogaa alaabo ah, kuwaasi oo ku qaxaya Gaari dameero iyo Gaari gacano oo markii la weeydiiyo wax ku dhaliyay in ay qaxaana kuu sheegaya in cabsi daraadeed ay uga qaxayaan Guryahooda.
Dadka ku dhaqan Magaalada ayaa Barakac waxaa ugu danbeeysay mudo iminka laga joogo 14 sano, iyadoo xiligaa wixii ka danbeeyayna ay noqotay magaalada Beledweyne mid degan.
Xaalada nabadgalyo ee Magaalada Baladweeyne ayaa iminka ah mid aan lugo badan ku taageeny, kadib markii Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudah Magaaladaasi ay bilaabeen in ay fariisin ka sameeystaan Xarumaha Dowladda iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqna kabilaabeen xiliyada habeenka ah.
|